Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Date:

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayso Marwada Koowaad ee dalka Marwo Qamar Cali Cumar ayaa maanta codkooda ka dhiibtay Seejada Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo ay ka socotay doorashada tooska ah ee Goleyaasha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha iyo Marwada Koowaad ayaa goobta kula kulmay boqolaal muwaadiniin ah oo codkooda dhiibanayey, iyaga oo muujinayey doorkooda muwaadinnimo iyo ka go’naanshahooda dhismaha dowladnimo ku saleysan rabitaanka shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey habsami u socodka doorashada, amniga iyo abaabulka wanaagsan ee Ururrada, kaas oo suurtageliyey in shacabka caasimaddu ay si xor ah u dhiibtaan codkooda, isagoo xusay in doorashada tooska ah ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo matalaadda dadweynaha.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Gobolka Banaadir in ay ka faa’iideystaan fursaddan taariikhiga ah, kana qeyb qaataan doorashada, si ay codkoodu uga noqdo aas-aaska hoggaamin hufan iyo horumar waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

26 April, Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed, Mudane...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Wasaaradda Howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...