Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda oo ku hadlaysa magaca dhammaan diblumaasiyiinta safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda ku dhaqan waxay hambalyo u diraysaa shacabka iyo Dowladda Soomaaliya hirgalinta doorashooyinka heerka gobol ee maanta ka dhacaya Gobolka Banaadir.
Maanta waa maalin ka tilmaaman maalmahii lasoo maray, iyadoo muwaadiniintu markii ugu horreysay ka qaybgalayaan doorasho qof iyo cod ku dhawaad lixdan sano.
Danjire Fardowsa ayaa sheegtay in maanta tahay maalin taariikhi ah oo shacabka reer Muqdisho codkooda ku ciil baxayaan iyadoo sidoo kale bogaadisay dadaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Dan Qaran ku aaddan xaqiijinta doorashooyinka dimoqraadiyadda ah, taasoo muujinaysa himilada Soomaaliya ee xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka hay’adaha dowliga ah.
