Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga dhiibtay codkiisa doorashada Golaha Deegaanka ee ka socota caasimadda Muqdisho. Madaxweynaha ayaa ka codeeyey degmada Warta Nabadda, halkaas oo uu si toos ah uga qayb qaatay doorashada taariikhiga ah ee ka dhaceysa magaalada kadib 57 sano.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiirrigeliyey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, in ay si nabad ah u gutaan waajibaadkooda muwaadinimo iyagoo codkooda si xor ah ugu dooranaya cida ay rabaan in ay matasho.

Doorashadan ayaa muhiimad weyn u leh dib u soo celinta hannaan dowladeed oo ka bilowda heer hoose, iyadoo bulshada fursad u helaysa in ay codkooda ku doortaan maamulka degmooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Magaalada Muqdisho waxay maanta qortay taariikh baal dahab ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka kobaad ee dalka oo codkiisa saakay ka dhiibtay D.Hodan ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...