Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka Af-Soomaaliga looga hadlo, isagoo sheegay in abaar daran iyo biyo la’aan baahsan ay saameeyeen dad iyo duunyo badan.
Guddoomiye Maxamuud wuxuu sheegay in meelaha qaar ay xaaladdu tahay mid aad u culus, gaar ahaan marka laga hadlayo helitaanka biyo nadiif ah, taasoo horseedday khataro caafimaad iyo barakac.
Wuxuu ugu baaqay dowladda, bulshada rayidka ah, ganacsatada iyo beesha caalamka in si degdeg ah loo isu gurmado, si loo badbaadiyo nafaha dadka ay saameeyeen abaarta iyo biyo la’aanta, isla markaana loo xoojiyo dadaallada gurmadka bani’aadamnimo.
