Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Date:

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah hub ugu dhex wateen Muqdisho, iyagoo jabiyay awaamiir hore oo ay soo saareen hay’adaha ammaanka.

Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Bartamaha, ayaa qabtay askartan, waxaana la sheegay in maxkamad loo gudbin doono maadaama ay ka dhega-fureysteen amarka mamnuucaya in askari aan shaqo ku jirin hub la dhex maro magaalada.

Sidoo kale, hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa horay u mamnuucay hubka culus, ilaalo badan, iyo qaadashada hubka gudaha caasimadda si loo adkeeyo amniga Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...

Ururada siyaasadeed oo olole doorasho ka wada Muqdisho

Xilli maalmo kooban ay ka harsanyihiin maalinta codbixinta doorashada...