Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Date:

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta xarigga ka jaray Iskuul cusub oo waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha, kaas oo laga hirgeliyay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Munaasabadda furitaanka iskuulka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, oo ay kamid yihiin Wasiirka Waxbarashada, maamulka Degmada Waajid, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Waajid.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha iskuulkan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo waxbarashada Gabdhaha, isla markaana uu muujinayo dadaalka Dowladda Koonfur Galbeed ay ugu jirto xoojinta helitaanka waxbarasho tayo leh oo ay si siman u helaan dhammaan carruurta, gaar ahaan Gabdhaha ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.

 

default

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin Aas-aaska Ciidanka Booliska

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...