Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Isbitaalka Digfeer ku booqday xubno ka tirsan qoys waxyeello kasoo gaartay dab ka kacay guri dabaq ah oo ku yaalla Degmada Howlwadaag. Dabka, oo kacay 3-dii bishan, ayaa sababay geerida hal gabar iyo dhaawaca 11 qof oo kale, kuwaas oo qaar ka mid ah weli ku jira xaalad halis ah.

Guddoomiyaha ayaa kulan la qaatay maamulka isbitaalka iyo dhaqaatiirta daryeelaysa bukaanada, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladdooda caafimaad.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qoyskaasi u fidiyay taakulo caafimaad iyo garab-istaag, iyadoo la qorsheynayo in qaar ka mid ah dhaawacyada loo qaado daryeel caafimaad oo dibadda ah. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka uu si dhow ula socon doono xaaladda qoyska.

Booqashada Guddoomiyaha waxaa ku weheliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta, Mudane Xuseen Axmed Culusow, iyo mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin Aas-aaska Ciidanka Booliska

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...