Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Date:

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay doorashooyinka dalka, gaar ahaan kuwa golaha deegaanka ee bishan ka qabsoomi doona caasimadda, iyada oo goluhu meel-mariyey shuruuc iyo xeerar muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirrada, ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ka dhageystay warbixin la xiriirta doorashada golaha deegaanka ee bishan ka dhacaysa Muqdisho, iyada oo wasaaradda ay soo bandhigtay diyaarinta iyo xaqiijinta amniga goobaha codeynta iyo tirada muwaadiniinta qaatay kaararkooda ee u diyaarsan in ay codkooda dhiibtaan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa wasiirrada ku ammaanay in iyaga iyo bulshada ay si wanaagsan isku soo barteen, muhiimna tahay in shacabka iyo dowladda is dhex-galaan, waxa uuna boggaadiyay dedaalkii ay u galeen in ay qeyb ka noqdaan ololaha doorashada.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey wax ka beddelka sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, si loo xoojiyo nidaamka maaliyadeed iyo hufnaanta hey’adaha dhaqaalaha. Sidoo kale, Golaha ayaa meel-mariyey Hindise-Sharciyeedka Difaaca Qaranka, kaas oo lagu tayeynayo awoodda iyo waajibaadka hey’adaha amniga dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa dood adag ka yeeshay, isla markaana ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Sharciga Xuquuqda Carruurta iyo Hindise-sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska, kuwaas oo dhammaantood ujeedkoodu yahay horumarinta qoyska, ilaalinta xuquuqda carruurta iyo dhismaha nidaam sharci oo dhammeystiran. Labadan sharci ayaa ka soo gudbay dhammaan hab-raacyadii xeer-dajinta, la tashiyo lagala yeeshay culumada, iyada oo mas’uuliyiin ka socday xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Wasaaradda Dastuurka ay faahfaahin dheer golaha ka siiyeen shaqada laga soo qabtay xeerarkan.

Labadan xeer ayaa la ansixiyay iyada oo wasaaradda ay quseyso la faray in ay wax kasoo badesho arrimo la xiriira ereybixinno kooban.

Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxa ay ansixiyeen siyaasadda iyo xeerka Sanduuqa Qaranka ee Horumarinta Waxbarashada (NEDF), taas oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada dalka, si loo xaqiijiyo maalgelinno lagu taageerayo ardayda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...