Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Rwanda, Mudane Marizamunda Juvenal.

Soo dhaweynta ayaa qeyb ka ah xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal, waxaana Wasiirka Rwanda uu Muqdisho u yimid ka qeybgalka Kalfadhiga 35-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka ku bahoobay Ciidamada Heeganka ee Afrika Bari (EASF), kaasoo sanadkan martigelinayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha amniga gobolka, iskaashiga difaaca, iyo xoojinta awoodda ciidamada heeganka Afrika Bari, kuwaasoo door muhiim ah ka qaata nabad ilaalinta iyo ka falcelinta xaaladaha degdegga ah ee gobolka.

Soomaaliya oo xubin buuxda ka ah EASF ayaa door firfircoon ku leh kulankan, iyadoo muujineysa sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga amni ee gobolkan. Sidoo kale, martigelinta kulankan ayaa sare u qaadeysa doorka diblomaasiyadeed iyo amni ee ay Soomaaliya ka ciyaareyso gobolka Geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...