Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubeysan.

Hagahan waxaa Dowladda Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi; halka dhinaca Qaramada Midoobayna ay u saxiixeen Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan, iyo Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Sandra Latouff.

Saxiixan wuxuu muujinayaa dib-u-habeyn qaran oo joogto ah, wuxuuna xoojinayaa isla xisaabtanka hay’adaha amniga iyo ilaalinta badqabka carruurta.

Qorshahani wuxuu ka tarjumayaa horumaradii la gaaray sannadihii la soo dhaafay iyo go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in si dhab ah looga hortago xadgudubyada culus ee ka dhanka ah carruurta, iyadoo lala kaashanayo saaxiibada caalamiga ah si loo ilaaliyo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed.

Munaasabadda saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha Guddiga Isku-dhafka Wasaaradaha ee Arrimaha Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan (CAAC) oo ka socda Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, Cadaaladda, Arrimaha Dastuurka, iyo Qoyska & Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....