Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Date:

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo ka jirta deegaanada maamulkaasi.

Wasaaraddu waxay sameysay xog-uruurin ku saabsan xaaladda bani’aadanimo ee ka jirta deegaannada KGS, taas oo muujisay in 621,000 qof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Sidoo kale, warbixinta ayaa xustay in 134,970 carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 5 sano ay wajahayaan xaalad nafaqo-darro aad u daran.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in yaraanta roobabka ay si weyn u saameysay dalagyadii beeraha iyo ilihii biyaha, taasoo keentay in dadku u kala guuraan masaafooyin fogfog si ay u helaan biyo iyo nolol.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....