Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in guddigu uu bilaabayo daabulidda qalabka rasmiga ah ee lagu codeyn doono, si loo geeyo xarumaha loogu talagalay codbixinta degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in diyaarinta qalabka codbixinta ay tahay mid muhiim u ah sidii doorashadu ugu dhici lahayd si hufan, amni ah, loona xaqiijin lahaa in muwaadiniinta codkooda si xor ah u dhiibtaan maalinta doorashada ee la qorsheeyay 25-ka Diseembar.

“Qalabkii lagu codeyn lahaa ayaan rabnaa in aan si degdeg ah ugu daabulno xarumaha loogu talagalay codbixinta, si aan ugu diyaar garowno waqtiga doorashada oo aad noogu dhow,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin.

Guddiga Doorashooyinka ayaa xusay in dhammaan hayโ€™adaha amniga lala kaashanayo arrimaha sugidda amniga iyo ilaalinta qalabka, iyadoo sidoo kale la diyaarinayo tababarro loogu talagalay shaqaalaha ka howlgelaya goobaha codbixinta.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu ugu jiro qabsoomidda doorasho xor ah, cadaalad ah, oo waqtigeeda ku dhacda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...