Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere.ย 

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Arbacada maanta ah waxa uu si rasmi ah u dhagax-dhigay Mashruuca Dayactirka iyo Faara-bixinta Warta Degmada Boondheere, tallaabadan ayaa ka mid ah dadaallada ballaaran ee Dowladda Hoose ee Xamar ay ku horumarinayso kaabeyaasha muhiimka ah ee caasimadda.

Guddoomiye Dr. Muungaab oo munaasabadda dhagax-dhigga khudbad ka jeediyay, ayaa muujiyay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Mashruucan, maadaama ay Warta Boondheere tahay biyo-qabadka shan degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in mashruucan uu door weyn ka qaadan doono hagaajinta nidaamka biyo-mareennada, yareynta khataraha fatahaadaha xilliyada roobabka, iyo fududeynta isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in mashruuca dayactirka iyo faara-bixinta Wartan ay si buuxda u maalgelisay Dowladda Hoose ee Muqdisho, islamarkaana ay tahay middii saddexaad ee noocan ah oo si rasmi ah shaqo looga billaabo, iyadoo horay wax looga qabtay biya-mareennada muhiimka ah ee magaalada, kuwaas oo qaarkood ay weli ka socdaan hawlo dhismo ah.

Dhanka kale, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka, ayaa ku booriyey shacabka Gobolka Banaadir inay si wacyi leh, masโ€™uuliyad muwaadinimo huwan, islamarkaana ay xaq dastuuri ah ku gudanayaan ugu soo baxaan doorashada golaha deegaanka ee la qorsheeyay in ay dhacdo 25-ka bishan Diseembar, si ay door muuqda uga qaataan mustaqbalka maamul iyo horumarineed ee magaaladooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...