Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

Date:

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay qaataan kaarka codbixinta kana qeyb qaataan doorashada qof iyo cod ee taariikhiga ah.

Wasiirku wuxuu sheegay in 57 sano kadib ay suurtagashay in muwaadinku si toos ah u doorto cidda mataleysa, taas oo uu ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay dimuqraadiyadda dalka. Waxa uu xusay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay ka goโ€™an tahay sugidda amniga si doorashadu ugu dhacdo si nabad ah, xor ah, oo hufan.

General Fartaag ayaa shacabka ku boorriyey inay ka faaโ€™iideystaan xaqooda dastuuriga ah, kuna codeeyaan qofka ay u arkaan mid u adeegaya danaha shacabka iyo mustaqbalka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...