Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Date:

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Isaak Mursal, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay dhigiisa Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Damjan Jović.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxaa si toos ah looga wadalay xiriirka saaxiibtinimada soo jireenka ah ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Serbia, waxaana laga hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee labadda dal.

Wadahadalladu waxaa diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin iskaashiga siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga farsamooyinka cusub technologiyadda casriga ah, waxbarashada, amniga, iyo kordhinta wada-shaqeynta labada dal ee fadhiyadda caalamiga ah, kuwaas oo dhammaantood horseed u noqonaya xoojinta aragtida siyaasadda arrimaha dibadda ee labada waddan.

Labada Wasiir waxay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay dardargelinta wadatashiyada siyaasadeed ee joogtada ah, waxayna adkeeyeen muhiimada ay leedahay ilaalinta danaha wadajirka ah iyo ballanqaadyada labada dal si loo sii xoojiyo xiriirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia.

Ugu dambayn, Wasiir-ku-xigeen Mursal ayaa uga mahadceliyay Dowladda Serbia soo dhoweynta diirran ee ay ku qaabileen magaalada Belgrade, isaga oo ku celiyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sii ballaarinta iskaashiga labada dal si ay uga faa’iidaystaan labada shacab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa...

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...