Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Date:

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo dhawaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirada XFS.

Wasiirka Cadaaladda ayaa xusay in xeerkaan cusub oo ay ka soo shaqeeyeen xeeldheerayaal Soomaali ah uu yahay mid la jaanqaadaya Xaaladaha bulsho ee iyo Xeerarka caalamiga ah ee dunida.

Xeerka ciqaabta oo badallaya kii hore oo lagu soo dhaqmay dhowr iyo lixdan sano,waxa uu horseedayaa in ay yaraadaan dambiyada ka dhexdhaca dadweynaha iyo in la ilaaliyo xuquuqda aasaasiga ah ee qeybaha bulshada.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin waxa uu caddeeyay in xeerka ciqaabta Soomaaliya lagu saleeyay diinta islaamka ,dhaqanka Soomaalida iyo hab dhaqanka xeerarka dowladaha carabta oo ay Soomaaliya ku jirto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...