Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Date:

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu abaalmarinayey qeybaha kala duwan ee saxaafadda Libya oo ka dhacdey magaalada Tripoli.

Munaasabaddan oo loo yaqaano TRIPOLI MEDIA DAYS, ayaa lagu martiqaadey oo ka soo qeybgaley Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Suxufiyiinta ayaa  lagu abaalmarinayey kaalinta ay kaga jiraan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska Libya, kadib dhowr sano oo xaalado adag ay soo martey.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku faraxsan tahay horumarka iyo dib u soo kabashada Libya, isagoo u rajeeyay horumar iyo xasilooni waarta.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in labada dal ee Soomaaliya iyo Libya uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer isla markaana ay Soomaaliya daneyneyso in la sii xoojiyo Iskaashiga labada dal, taasina ay marqaati ka tahay booqashii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hore ugu tegay Libya bishii February ee sannadka aynu ku jirno ee 2025-ka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...