Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Date:

Muqdisho, Arboco, 10 Diseembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo sii wada kulamada uu la leeyahay ergada diblumaasiyadda fadhigoodu yahay dalka ayaa maanta qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka Mudane Makhail Golovanov.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa safiirka uga xog waramay xaaladda guud ee dalka sida amniga iyo horumarada laga sameeyay dowlad-dhiska, baahinta adeegyada dowladda iyo kaalinta sii kordhaysa ee dowladda Soomaaliya ku yeelatay qeyb ka noqoshada maslaxada adduunka.

Waxa sidoo kale kulanka looga hadlay xiriirka diblumaasiyadeed iyo kan iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal. Sidoo kale Mudane Xamse ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dadka ay abaaraha saameeyeen, iyo jawaabaha ugu habboon ee laga bixin karo.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka Mudane Makhail Golovanov ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha iyo dowladda Soomaaliya sida diirran ee xiriirka ku socdo, isaga oo intaas ku daray in ay sii balaarin doonaan xiriirada.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha waxaa joog-boog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo warbixin tirakoobyo leh diyaariyay, iyo sidoo kale Xoghayeyaasha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale,

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...