Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka. ย 

Date:

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daah-furay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, oo sanad kasta la xuso 10-ka Diseembar.

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka, Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, ayaa sanadkan lagu soo bandhigay guulaha la taaban karo ee laga gaaray horumarinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya. Waxaa ka mid ah:

– Dib u soo celinta waajibaadka Xuquuqul Insaanka oo dalka ka maqnaa ku dhawaad 30 sano.

– Meel marinta sharciyo muhiim u ah difaaca xuquuqda aadanaha.

– Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Xuska ayaa sidoo kale xasuusin u ah 77 guuradii kasoo wareegtay markii la ansixiyay Qaraarkii Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay sanadkii 1948. Soomaaliya waxa ay ka mid tahay 193 waddan oo maanta si rasmi ah u xusaya maalintan muhiimka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...