Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Guddiga, isaga oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda guud ee howlaha doorashooyinka iyo horumarka laga gaaray wajiyada muhiimka ah ee geeddi-socodka doorashada.

Guddoomiyaha oo hadalka ku billaabay warbixin ku saabsan hawlaha farsamo iyo kuwa habraac ee doorashada, ayaa hoosta ka xariiqay in Guddigu si buuxda u gudanayo waajibaadka uu u xil-saaray Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Shuruucda Doorashooyinka Qaranka, waxaana uu xusay in hawlaha diyaar-garowga ee doorashada degmooyinka Banaadir ay si hufan u socdaan, isla markaana Guddigu ku shaqeynayo jadwalkii doorashada ee uu hore u iclaamiyay.

Mudane Cabdikariim Axmed Xasan waxaa uu sidoo kale shaaciyay in 12 urur siyaasadeed ay si dhameystiran u soo gudbiyeen liiskooda , halka qaar kale ay soo gudbiyeen qeyb kamid ah liiska musharaxiintooda u tartamaya doorashada goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Ururada Siyaasadda ee soo gudbiyay liiska ayaa kala ah:

1. Ramaas

2. Karaama

3. Towfiiq

4. Saab

5. Madalsan

6. Cadaaladda & Wadajirka

7. Horumar & Midnimo Qaran

8. Muwaadiniinta Soomaaliyeed

9. Midnimada Shacabka

10. Qaranka Dimuquraadiga ah

11. Qiimo Qaran

12. Dowlad Wanaaga Soomaaliyeed

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in soo gudbinta liiska musharaxiinta ay muujinayso diyaar-garow heer sare ah oo ka jira dhanka Ururada siyaasadda, isaga oo ku boorriyey ururada aan weli soo gudbin liiskooda inay ka faa’iidaystaan fursadaha sharcigu u oggol yahay ee ku saabsan gudbinta liisaska iyo dhammeystirka shuruudaha tartanka.

Ugu dambayn, Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinka Ururada siyaasadda, bulshada rayidka ah, dhallinyarada, haweenka iyo maamulka degmooyinka in si wadajir ah loola shaqeeyo Guddiga si loo xaqiijiyo doorasho xor ah, hufan, nabdoon oo waafaqsan sharciga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...