Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo la kulmay hoggaanka Bulshada Rayidka

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka bulshada rayidka ah, kuwaas oo ay ka wada hadleen doorka muhiimka ah ee bulshada rayidka ah ku leeyihiin dhismaha dowladnimada, xoojinta nabadda iyo kobcinta maamul-wanaagga.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa tilmaamay sida ay dowladda uga go’an tahay in ay dhagayso talooyinka bulshada, lana dhiirrigeliyo ka qeyb-qaadashadooda geeddi-socodka siyaasadda, maamul-wanaagga iyo horumarinta dalka.

Mudane Saalax, ayaa uga mahadceliyay hoggaanka bulshada rayidka ah doorkooda muhiimka ah, isaga ku boorriyay in ay sii xoojiyaan kaalintooda wacyigelinta arrimaha muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...