Guddoomiyaha SODMA oo kulan la qaadatay hay’adaha gargaarka iyo Ururrada samafalka gudaha Dalka.

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hay’adaha gargaarka iyo ururrada samafalka ee ka hawlgala gudaha dalka (HCT). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta oo guud ahaan si ba’an u saameysay dhammaan gobollada Soomaaliya, iyo sida loogu baahan yahay bixinta jawaab mideysan oo deg deg ah.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Madaxweynaha dalka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre muujiyeen walaac xooggan oo abaarta ku aaddan, islamarkaana ay fareen hay’adaha dowladda inay si buuxda ula shaqeeyaan SoDMA oo ah hay’adda rasmiga ah ee isku-dubbaridka arrimaha gargaarka iyo ka jawaabista musiibooyinka u qaabilsan dalka.

Guddoomiyuhu wuxuu ku boorriyay dhammaan la-hawlgalayaasha inay la jaanqaadaan habraacyada iyo nidaamka cusub ee SoDMA hoggaaminayso, si loo helo hannaan mideysan oo wax ku ool ah. Sidoo kale wuxuu caddeeyay in hoos u dhaca ku yimid maalgelinta deeq-bixiyeyaasha ay si weyn u curyaamisay dadaallada wax-ka-qabashada abaarta.

Ugu dambayn, Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa sheegay in loo baahan yahay, qorsheyn degdeg ah oo loo dhan yahay, dhaqaale la saadaalin karo gudaha iyo dibadda iyo dib-u-habeynta barnaamijyada taageerada lagu gaarsiinayo degmooyinka ugu nugul dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka oo Muqdisho Kusoo Dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Nabadda.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...