Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Algeria

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku dhawaaqday in kooxdii ugu horreysay ee arday Soomaaliyeed ee ka faa’iideysatay deeqaha waxbarasho ee Dowladda Algeria ay gaareen dalkaas.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Maxamed Cumar, oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in ardaydan ay tageen Algeria, iyada oo la fulinayo heshiiska iskaashiga waxbarasho ee ay wada saxiixeen Dowladaha Soomaaliya iyo Algeria.

Wasiiru-dawlahu wuxuu tilmaamay in 45 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho ay haatan waxbarasho ka bilaabeen jaamacadaha Algeria. Ardaydan ayaa qayb ka ah 120-ka deeq waxbarasho ee loo qoondeeyay Soomaaliya, kuwaas oo lagu barto culuumo kala duwan, oo ay ku jiraan amniga internetka (cybersecurity).

Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa sidoo kale xusay in deeqahan ay qeyb ka yihiin heshiisyadii ay wada gaareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Algeria, Abdelmadjid Tebboune, kuwaas oo ku saabsan waxbarashada, arrimaha dibadda, xoolaha iyo gaaska dabiiciga ah.

Madaxweynaha Algeria ayaa hore u ballanqaaday in uu kordhinayo taageerada waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed, si loo xoojiyo xiriirka waxbarasho iyo iskaashiga labada dal.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashe...

Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Kulan La Yeeshay Xoghayaha Dowladda ee Arrimaha Afrika ee Aljeeriya

Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed...