Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed Diri, ayaa magaalada Doha kulan kula yeeshay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Qatar, Mohammed bin Ali Al Mannai, xilli uu socdo MWC Doha 2025.
Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan dhanka dijitaleynta adeegyada dowladda, hormarinta kaabayaasha ICT-ga, iyo amniyeynta seybarka.
Wasiiru Dowlaha ayaa uga warbixiyay dowladda Qatar dadaallada ay Soomaaliya ku casriyeynayso adeegyada iyo dhismaha nidaam dhijitaal oo fududeynaya helitaanka adeegyada bulshada.
Dhankiisa, Wasiirka Qatar ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay ballaarinta taageerada, oo ay ku jiraan barnaamijyada maamulka dhijitaalka, tababarrada shaqaalaha dowladda, iyo horumarinta adeegyada casriga ah ee isgaarsiinta.

