Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Degmada Hodan ka Daahfuray Qaybinta Kaarar-ka Codbixiyeyaasha

Date:

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Hodan ka daahfuray qaybinta kaarar-ka codbixiyeyaasha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Guddiga Hoosaadka Howlgallada Doorashooyinka Qaranka, Maxamed Amiin Xasan, ayaa sheegay in guddigu maanta degmada Hodan si rasmi ah uga bilaabay qaybinta kaararka, isla markaana shacabka is-diiwaangeliyay ay halkaas ka qaadan karaan kaarka codbixiyeyaasha doorashooyinka.

“Waxaan ugu baaqayaa bulshada iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay u soo baxaan qaadashada kaarka codbixinta, si ay ugu codeeyaan doorashooyinka soo socda,Waxaana maanta degmada Hodan ka daahfurnay qaybinta kaarar-ka codbixiyeyaasha doorashooyinka,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Hoosaadka Howlgallada Doorashooyinka Qaranka,

“Dadweynow, u soo baxa oo qaata kaarkiinna codbixinta, waxaana diyaar u nahay adeegyadiinna degmada Hodan” ayuu yiri Cabdikariin Cali, oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee maanta degmada Hodan ka qaatay kaarka codbixiyeyaasha.

Guddiga Doorashooyinka ayaa horey sidan oo kale uga daahfuray qaybinta kaararka toddobo degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo sida guddigu sheegay ay shacabka caasimaddu 25-ka bisha dambe u dareeri doonaan doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...