Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS oo ka qeybgalay Madasha Wasiiradda Beeraha adduunka.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb galay Madasha Wasiirrada Beeraha Adduunka ee sanadkan, kaasi oo hal ku dhiggiisu ahaa “Ka hortagga luminta cuntada iyo biyaha iyo ilaalinta mustaqbalkeenna”.

Wasiirka waxa uu madasha ka jeediyay khudbad ujeedkeedu ahaa in la qaado tallaabo degdeg ah oo caalami ah si wax looga qabto khataraha isa soo taraya ee amni-darrada cuntada iyo biyo yarida.

Wasiirku waxa uu madasha ka sheegay saameynta sii kordhaysa ee isbeddelka cimilada, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay durba la tacaalayso abaaro soo noqnoqda, hoos u dhaca wax-soosaarka beeraha, iyo yaraanta biyaha.

Wuxuu ku adkeeyay in yareynta khasaaraha cuntada iyo biyaha ay maanta tahay waajibaad deegaan, dhaqaale, iyo bini’aadannimo, iyadoo ay Soomaaliya ka go’an tahay hirgelinta Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay A/RES/74/209, kaas oo ku baaqaya in dunida oo dhan ay xoojiso dadaallada lagu dhimayo khasaaraha cuntada iyo biyaha si loo gaaro horumar waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...