Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka ee la Cusbooneysiiyay ee Soomaaliya (RWVLS).

Barnaamijkan ay maanta furtay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa muhiimad gaar ah u leh Haweenka Soomaaliyeed ayadoo Mashruucaan uu qeyb ka yahay dadaallada xooggan ee ay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ugu jirto hormarinta Haweenka Soomaaliyeed.

Khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo ay Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ka jeedisay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Codka iyo Hoggaaminta Haweenka ee la Cusbooneysiiyay ee Soomaaliya (RWVLS) ayey kaga hadashay dadaallada ay Wasaaradda Qoyska waday mudooyinkii ugu dambeeyey iyo muhiimadda uu mashruucaan u leeyahay Haweenka Soomaaliyeed.

“Hindisahan wuxuu ku soo beegmayaa waqti muhiim u ah dalkeenna -mid lagu calaamadeeyay isbeddelka qaranka, fursadaha la ballaariyay, iyo xoojinta hay’adaha, haddana weli lagu garto caqabado si aan sinnayn u saameeya nolosha Haweenka iyo Gabdhaha” ayey khudbadeeda ku tiri Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi .

Furitaanka mashruucaan ayaa qeyb ka ah dadaallo xooggan oo ay mudooyinkii ugu dambeeyey Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Isnaanka Soomaaliya waday , dadaalladaas oo lagu dhiiri gelinayo islamarkaana lagu hormarinayo Haweenka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...