Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Dalka Malaysia, Datuk Suhaimi Sulaiman, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha warbaahinta dalkaas.
Kulanka oo ka dhacay xarunta warbaahinta Malaysia (Menara Angkasapuri), ayaa Agaasime Cabdullaahi Xayir Ducaale si qoto dheer uga warbixiyey shaqada iyo horumarka Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, sida SNTV, Radio Muqdisho, SONNA, Wakaaladda Filimada iyo Wargeyska Dalka.
Agaasimuhu wuxuu sidoo kale iftiimiyey doorka muhiimka ah ee warbaahinta Soomaaliya ay ka qaadato dhismaha dowladnimo, wacyigelinta bulshada, doorashooyinka, la-dagaallanka argagixisada, iyo la-tacaalidda wararka been abuurka ah.
Dhankiisa, Agaasimaha Warbaahinta Malaysia ayaa muujiyey diyaar u ahaanshaha iskaashi buuxa, isagoo xusay in ay soo dhoweynayaan wada-shaqeyn dhanka tababarada, khibrad is-weydaarsiga iyo horumarinta warbaahinta labada dal.
Ugu dambeyn, Agaasime Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa saxiixay buugga martida xarunta warbaahinta Malaysia, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dhinac, si gaar ah warbaahinta, baahinta dijitalka iyo dhaqanka.
