Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee Guddiga Joogtada, kaas oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha ayaa furitaanka kulanka ku bogaadiyey guddiyada Golaha Shacabka dadaalladooda ku aaddan diyaariyeynta shuruucda iyo kulamada la xisaabtanka ah ee lala yeesho wasaaradaha iyo hayโ€™adaha dowladda.

Sidoo kale, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe wuxuu warbixin ka siiyey Guddiga Joogtada shirkii Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Urur-Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee ka dhacay magaalada Kampala, Uganda, halkaas oo lagu doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Guddoomiyaasha Baarlamaanada Ururkaasi. Waxaa sidoo kale lagu goโ€™aamiyey in Soomaaliya martigeliso shir sanadeedka bartamaha 2026.

Ugu dambeyn, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa guddi kasta ka dhageystay warbixinno la xiriira shuruucda horyaalla, waxaana lagu sameeyay ajendeyn iyo jadwaleyn rasmi ah kulamada Golaha ee toddobaadka soo socda.

Guddoomiyuhu wuxuu ugu dambeyn ku dardaarmay guddiyada in ay dardargeliyaan shaqada sharci dejinta si waajibaadka Golaha Shacabku u noqdo mid si buuxda u shaqeeya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...