Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Date:

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood cilmiyeedyo muhiim ah oo diiradda lagu saarayo mowduucyada la xiriira dowlad-wanaagga, la-dagaallanka fikradaha xagjirka ah, iyo saameynta taban ee dagaallada qabaa’ilka ku leeyihiin midnimada bulshada iyo amniga dalka.

Kulanka maanta waxaa goobjoog ka ah Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, iyo sidoo kale qaar ka mid ah Wasiirrada dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, xildhibaanno, aqoonyahanno iyo culumo ka kala yimid dalka iyo dibadda.

Doodaha cilmiyeedka ayaa ujeedkoodu yahay sidii loo xoojin lahaa wadajirka bulshada Soomaaliyeed loona horumarin lahaa doorka culimada ee ku aaddan wacyigelinta, ka hortagga xagjirnimada, iyo dhiirrigelinta nabadda. Waxaa sidoo kale xoogga la saarayaa kaalinta diinta Islaamka ay ku leedahay nabadeynta iyo garsoorka caddaaladda ku dhisan.

Shirweynahan ayaa noqonaya mid gogol xaar u ah isu-duwidda dadaallada culimada Soomaaliyeed ee ku aaddan ka qeyb qaadashada nabadeynta iyo horumarinta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...