Shirweynaha Haya’adda NIRA oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Date:

Waxa maalintii labaad ka socda Hoolka Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

Inta lagu guda jiray shirka, waxaa lagu soo bandhigay guulaha la taaban karo ee ay NIRA gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan dhismaha iyo hormarinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka. Sidoo kale, waxaa la soo jeediyay doodo iyo cilmi-baarisyo muhiim u ah horumarinta adeegyada aqoonsiga iyo casriyeynta nidaamka maamulka xogta muwaadiniinta.

Shirka waxaa ka qeyb galaya hay’adaha dowladda federaalka, kuwa dowlad-goboleedyada, madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay, wakiillo caalami ah iyo marti sharaf kale. Maanta ayaa lagu wadaa in shirku si rasmi ah u soo gabagaboobo, waxaana soo xiraya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...