MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY GORSOORE CUMAR CARTAN

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sumcadda iyo maamuuska uu dadka Soomaaliyeed u soo hoyey ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika ee sannadka 2025 oo ay guddoonsiiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF.

Madaxweymaha ayaa mar kale ugu hambalyeeyey Garsoore Cumar Cartan guusha taariikhiga ah ee uu xaqiijiyey, waxa uuna tilmaamay in abaal-marintan ay muujineyso kartida iyo daddaalka uu geliyey kor u qaadidda xirfaddiisa, isaga oo u rajeeyey meel halkaa ka sareysa oo heer caalamiya inuu gaarsiiyo magaca Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Garsoore Cumar Cartan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahadceliyey soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan, waxa uuna xusay in maamuuskan uu ku dhiirrigelinaayo in sii wado dadaalkiisa ku aaddan matalaadda Caalamka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...