Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Dr. Yaxya Ibraahim Macalin La-taliyaha Sare ee Siyaasadda iyo Isku-duwaha Barnaamijyada la xiriira ee Xafiiska Madaxweynaha.

Dr. Yaxya Ibraahim, oo ahaa bare jaamacadeed oo ka howlgalayay dalka UK, ayaa aqoon iyo khibrad wanaagsan u leh arrimaha siyaasadda, dowlad-dhiska, cilmi-baarista, xiriirka caalamiga ah, horumarinta dhaqaalaha, iyo diyaarinta jiilka cusub ee hoggaamiyeyaasha. Waxa uu muddo ka soo shaqeynayay xalinta khilaafaadyada colaadaha, isaga oo shahaadooyinka sare ee Master’s iyo PhD ka diyaariyay Jaamacadaha Northampton iyo Birmingham ee dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa xusay inuu ka rajaynayo in Dr. Yaxya door muuqda ka qaato daadejinta siyaasadaha iyo horumarinta istaraatiijiyadda Qaranka, isagoo hubinaya in go’aannada muhiimka ah lagu saleeyo caddayn, cilmi-baaris iyo la falgelidda duruufaha gaarka ah ee Soomaaliya, si loo xoojiyo isku-duwidda, nidaamka iyo midnimada ujeeddooyinka Xafiiska Madaxweynaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...