Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka qayb galay munaasabad lagu xusayo sanad guurada 10-aad ee ka soo wareegtay markii Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay heshiiska caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurta ee Qaramada Midoobay (CRC).

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda, arday, iyo masโ€™uuliyiin kala duwan oo ka socday hayโ€™adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Xuska sannad-guurada 10-aad ayaa lagu muujiyay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ku bixisay ilaalinta, horumarinta iyo difaaca xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, iyadoo la xusay horumarka laga sameeyay shuruucda, siyaasadaha, iyo barnaamijyada taageeraya carruurta.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda carruurta, isagoo carabka ku dhuftay in carruurtu ay yihiin mustaqbalka dalka, loona baahan yahay in la siiyo daryeel buuxa, waxbarasho tayo leh, iyo nolol ammaan ah.

Waxaa sidoo kale la xusay baahida loo qabo in dhammaan hayโ€™adaha dowladda iyo bulshaduba ay iska kaashadaan sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...