Shirweynaha 2-aad ee Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

Date:

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho Shirweynaha 2-aad ee Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiinta dowladda, khubaro caalami ah iyo la-taliyeyaal ku takhasusay kormeerka iyo qiimeynta ayaa waxa uu sanadkan halkudhiggiisu yahay “Xoojinta Nidaamka Qiimeynta Qaranka si loo dardargeliyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029.”

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta nidaamyada kormeerka iyo qiimeynta Qaranka iyo sidii xogta iyo natiijooyinka la isku halayn karo loogu beddeli lahaa go’aanada iyo siyaasadaha taageera hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Maxamed Shire, ayaa sheegay in shirka looga hadli doono xoojinta iskuxirka xogta kormeerka iyo go’aan qaadashada si loo horumariyo waxqabadka hay’adaha.

Shirweynaha ayaa sidoo kale looga hadlay horumarinta nidaamka qiimeynta Qaranka, hagaajinta la socodka barnaamijyada dowladda iyo soo saarista talooyin wax ku ool ah oo dardargelinaya hirgelinta qorshaha isbeddelka Qaranka sannadaha soo socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...