Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyadda qaranka ku qaabilay Sheekh Cabdirashiid Sh Cali Suufi

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan is-xogwaraysi iyo wadatashi ah la yeeshay qaariga Soomaaliyeed Sheekh Cabdirishiid Sheekh Cali Suufi oo booqasho sharafeed ku yimi Madaxtooyadda Qaranka.

Madaxweynaha iyo Sheekha ayaa iska xog wareystay xoojinta xaalada guud ee Dalka, kor u qaadidda wacyigelinta bulshada, doorka culimada ee dhismaha nabadda, adkeynta midnimada ummadda iyo ilaalinta qiyamka diinta.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin bulshada, gaar ahaan faafinta aqoonta diinta, la-dagaalanka xagjirnimada iyo xoojinta nabadgelyada.

Dhankiisa, Sheekh Cabdirishiid Cali Suufi ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha qaabilaadda wanaagsan, isagoo ugu duceeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed horumar iyo nabad.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Algiers kulan miradhal...