Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen gobolka Bakool ku dilay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta.

Horjoogahan oo Khawaarijta u qaabilsanaa saldhigga Abal ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Maxamed (Gofow),waxaana sidoo kale lagu yaqiinay xarig iyo dhibaateynta dadka shacabka ah.

Taliyaha Guutada 9aad ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gashaanle Dhexe Yuunis Aadan Xasan, oo howlgalka kadib la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan lagu dilay horjooge Maxamed Cabdi (Gofow).Waxa uu tilmaamay in ciidanka Xoogga ee ku sugan gobolka Bakool ay sii wadi doonaan howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee weli ku sugan deegannada gobolka.

Ciidamada Guutada 9aad ee Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka ee ka howl gala gobolka Bakool ayaa maalmihii la soo dhaafay waday howlgallo ballaaran oo ka socda deegaanno hoos yimaada gobolka, halkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...