Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga qeyb galay shir ay isugu yimaaddeen Wasiirrada Dalxiiska ee Waddamada Afrika, iyadoo halkaas uu ka socdo shirweynihii 26-aad ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Dalxiiska (UN Tourism General Assembly).

Wasiirka oo shirkaasi khudbad ka jeediyay ayaa xusay in adeegga dalxiiska ee Soomaaliya uu sameeyay dib usoo kabasho ballaaran, isagoo sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay qeyb ka noqoto hadafka Afrika ee hirgelinta adeeg dalxiis oo baraare leh oo qaaraddu ay gaarto, iyadoo diiradda la saarayo dhowrista deegaanka, xoojinta aqoonta dalxiiska iyo horumarinta dhaqaalaha bulshooyinka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la fududeeyo shuruudaha isku socodka Qaaradda dhexdeeda, sida fududeynta dal ku galka, xoojinta adeegyada duullimaadka iyo is-dhexgalka bulshooyinka isaga tallaabaya xudduudaha si loo abuuro suuqyo cusub oo uu ku kobco adeegga dalxiiska ee Qaaradda.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay maalgashiga dalxiiska, iyadoo taasi ka duuleysa ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya hirgelisay cilmi-baaris heer Qaran ah oo la xiriirta arrimaha dalxiiska, taas oo salka ku haysa dib usoo nooleynta adeegga dalxiiska casriga ah, xoojinta adeegyada aqoonta iyo xirfadaha dalxiiska, dib usoo nooleynta iyo casriyeynta goobaha dalxiiska ee dalka.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyadh uga qeybgelaya Shirweynaha 26-aad ee Ururka Dalxiiska Qaramada Midoobay oo sannadkan ay martigelineyso Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taas oo noqoneysa markii ugu horreysay ee dalalka Khaliijka ay martigeliyaan shirkan.

Shirweynahan oo labadii sanaba mar la qabto, ayaa ku soo beegmaya sanad-guuradii 50-aad tan iyo markii la aasaasay Ururka Dalxiiska ee Qaramada Midoobay, iyadoo ajandaha laga doodi doono ay ka mid yihiin qorshaha iyo hiigsiga 50-ka sano ee soo socda ee horumarinta dalxiiska caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...