Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Date:

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjire El-Hadji Ibrahima Diene, wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxa AUSSOM (African Union Support to Somalia).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda xasilinta ee deegaannada dhowaan laga xoreeyay kooxaha argagixisada, iyo horumarka laga gaaray Qorshaha Qaranka ee Ilaalinta Bedqabka Rayidka, kaas oo maraya heer gebogebo ah. Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga dooday sidii loo dardargelin lahaa howlaha nabadeynta iyo ilaalinta dadka rayidka ah, gaar ahaan meelaha laga saaray Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AUSSOM, si loo gaaro nabad waarta, amni joogto ah, iyo horumar muuqda oo ka dhaca deegaannada la xoreeyay.

Danjire Diene ayaa dhankiisa caddeeyay in AUSSOM ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dadaallada xasilinta, ilaalinta shacabka iyo dib u dhiska, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo u dhaxeysa hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...