Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo su’aalo laga weydiiyey Dagaalka ka Dhanka ah Khawaarijta*

Date:

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixin muujinaysa guulo la taaban karo oo laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyadoo lagu xusay in sanadkan ay ciidamada fuliyeen howlgallo iyo duqeymo culus oo lagu naafeeyay kooxaha argagixisada.

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo warbixinta ka hor akhriyey Golaha Aqalka Sare, ayaa sheegay in laga bilaabo bilowgii sanadkan la fuliyay 220 duqeyn, lagu dilayna 868 xubnood oo Khawaarij ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin 52 horjooge.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada ay si buuxda u sugeen amniga dhul ballaaran oo u dhaxeeya Xarardheere iyo Muqdisho, taasoo ka tarjumaysa horumar weyn oo laga sameeyay la-dagaallanka cadowga.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay si dhow ula shaqeyneyso saaxiibada caalamiga ah si loo helo taageero buuxda gaar ahaan dhinacyada tababarka, qalabaynta iyo duqeymaha istaraatiijiga ah.

“Waxaan wada-shaqeyn dhow la leenahay saaxiibada caalamka, si ay nooga garab siiyaan ciribtirka Khawaarijta, kuwaas oo badankood u dhashay dalal shisheeye oo dalkayaga kusoo duulay,” ayuu yiri Wasiirka.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in dib loo bilaabay dib-u-habeynta ciidamada, si loo helo ciidan xirfad leh oo difaaci kara dalka.

Taliyuhu wuxuu xusay in intii u dhaxaysay 2022 ilaa 2025 la fuliyay howlgallada “Kaaha Waaberi” iyo “Ileys”, kuwaas oo si weyn u daciifiyay awoodda Khawaarijta. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay boqolaal xubnood oo Khawaarij ah, oo ay ku jireen horjoogayaal iyo malleeshiyaad, intii lagu jiray howlgalladii ugu dambeeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...