Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Date:

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Cabdiraxmaan Khaliil Axmed Abakr Afandi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo adkaynta iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka inta uu socday waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xaaladda Suudaan, gaar ahaan colaadaha iyo rabshadaha ka socda magaalada El Fasher oo gargaarka baniโ€™aadannimo si weyn looga xaddiday, iyo sidoo kale walaacyada la xiriira xuquuqda aadanaha. Labada masโ€™uul waxay sidoo kale isdhaafsadeen warbixinno ku saabsan xaaladaha baniโ€™aadannimo, amniga iyo siyaasadda ee dalkaas, iyaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ilaalinta shacabka iyo hubinta in gargaarku gaaro dadka u baahan.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa muujiyay taageerada Soomaaliya ee midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Suudaan, isaga oo xusay in xal nabadeed oo siyaasadeed uu muhiim u yahay xaqiijinta amni iyo xasillooni waarta oo dalkaasi ka hirgasha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...