Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Isbitaal cusub oo ballaaran, kaas oo laga hirgelinayo degmada Garasbaaleey.

Isbitaalkan oo noqonaya mid adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah bixiya, waxaa iska kaashanaya Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adda Qatar Charity. Qorshuhu wuxuu yahay in isbitaalku u adeego bulshada deegaanka iyo dadka barakacayaasha ah ee halkaas ku nool.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in isbitaalka lagu qalabeyn doono dhammaan adeegyada lagama maarmaanka u ah caafimaadka, oo ay ku jiraan qalab casri ah, daawooyin, iyo dhaqaatiir tayo leh, si bulshada loogu helo adeeg caafimaad oo dhammeystiran.

Sidoo kale, wuxuu shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan ka qaybgalka doorashooyinka bishan lagu wado inay dhacaan, isagoo adkeeyay muhiimadda sugidda amniga, bixinta canshuuraha, iyo ka qaybqaadashada howlaha bulshada si doorashadu u qabsoonto si nabad ah oo hufan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...