Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha.

Date:

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) oo howlo shaqo u jooga Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha, ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas. Waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Cismaan Cabdi, iyo howlwadeennada safaaradda.

Xoghayaha Guud ayaa ammaanay Danjire Hodan, diblomaasiyiinta iyo howlwadeennada safaaradda shaqada ay Qaranka u hayaan, taasoo ka tarjumeysa magac sharafta iyo himilada Qaranka Soomaaliyeed, iyo dadaalka joogtada ah ee ay ku dhisayaan kuna xoojinayaan xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale, Xoghaye Jaabiri ayaa howlwadeennada safaaradda ku dhiirrigeliyay in ay sii xoojiyaan dadaallada ay ku soo jiidanayaan maalgashi iskaashi ballaaran iyo kor u qaadidda sumcadda Qaranka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...