Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, oo ay weheliyaan madaxda Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

Madaxa Shirkadda Favori ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey qorsheyaashooda ku aaddan horumarinta garoonka, waxana ay xuseen in isbeddel muuqda lagu sameyn doono qeybaha kala duwan ee adeegyada garoonka, si uu ula jaanqaado heerarka caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey shirkadda Favori dadaalka ay ku bixisay horumarinta Garoonka Aadan Cabdulle, ayaa sheegay in garoonku uu yahay albaabka ugu muhiimsan ee dalka laga soo galo, loona baahan yahay in uu noqdo mid horumarsan oo leh adeegyo casri ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo xusay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa uga mahadceliyey kaalintooda ku aaddan sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Ciraaq u qaabilsan Soomaaliya 

Muqdisho, Arbaco, 11 Febraayo 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta,...

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...