Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, oo booqasho shaqo ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Riyaad Wasiirka Gaadiidka iyo Adeegga Saadka Guud ee Boqortooyada, Mudane Saleh bin Nasser Al-Jasser.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada. Labada wasiir ayaa si gaar ah uga wada hadlay furitaanka duulimaadyo toos ah oo joogto ah oo u kala goosha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid muhiim ah, islamarkaana lagu dhisayo xiriir wada-shaqeyn ah oo faa’iido u leh shacabka walaalaha ah ee labada dal.

Wasiirrada ayaa sidoo kale isla gartay in la dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya fulinta heshiisyada iyo qorshayaasha lagu xoojinayo iskaashiga duulista iyo gaadiidka.

Safarka wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ah mid qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku horumarinayso xiriirka ganacsi, isu socodka, iyo is-dhaafsiga adeegyada ee kala dhaxeeya dalalka gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...