DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Date:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta guddoomiyay shir gaar ah oo ay yeesheen Guddiga Qaran ee Gurmadka, kaas oo ka dhacay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA).

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta gurmadka iyo taageerada dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxii Soobe 2, oo maanta laga joogo saddex sano, Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, xubno ka tirsan ganacsatada, iyo wakiillo ka socda ururada bulshada rayidka kuwaasoo dhammaantood xubno ka ah guddiga.

Guddigu waxay isla meel dhigeen in si gaar ah loo daryeelo agoonta iyo carruurta ay waalidiintooda ku geeriyoodeen qaraxa si loo yareeyo culeyska iyo dhibaatada ay la daalaa dhacayaan, iyagoo ku booriyay bulshada Soomaaliyeed, ganacsatada iyo hay’adaha samafalka in ay sii wadaan ka qayb qaadashada gurmadka, si loo xaqiijiyo in taageerada la gaarsiiyo dadka ay musiibadu saameysay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Waddada Dimuquraaddiyadda. waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda...

Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo La kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta...