Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo tababar Muhiim ah soo xiray

Date:

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa maanta soo xiray tababar muhiim ahaa oo lagu xoojinayey xirfadda iyo mihnadda shaqaalaha Xafiiska Hantidhowrka Guud, kaas oo si gaar ah muddo saddex maalin ah oo xiriir ah loo siinayey ku dhawaad 30 xubnood oo ka tirsan Baarayaasha “Waaxda Baarista U Hoggaansanaanta Sharciga” ee Xafiiska.

Ujeeddada tababarkan ayaa ah horumarinta iyo casriyeynta fahamka iyo aqoonta hirgelinta habraacyada baarista iyo korjoogteynta hay’adaha dowladda, taas oo kor-u-qaadeysa hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, si loo horumariyo dowladnimada.

Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa u sheegay shaqaalaha tababarka qaatay in ay isu diyaariyaan in aqoonta iyo cilmiga ay heleen ay ugu adeegaan dhowrista hantida iyo khayraadka ummadda, iyaga oo ku ilaalinaya hay’adaha dowladda in ay u hoggaansamaan sharciga.

Intii lagu guda jiray tababarka, waxa ay micallimiintii bixineysay iyo latababarayaashabu isla falanqeeyeen qibradihii ay Baarayaasha U Hoggaansanaanta Sharcigu horay uga heleen baarisyadii ay sameeyeen, si xirfadda la siinayo ay ugu qalabeyso xeelado iyo farsamooyin ka caawiya baarisyada ay hadda u diyaargaroobayaan.

Xafiiska Hantidhiwrka Guud ee JFS waxaa uu had iyo jeer ku dedaalaa in uu shaqaalihiisa ku qalabeeyo dhammaan xirfadaha, aqoonta iyo fahamka la xiriira baarisyada maaliyadeed, u hogggaansanaanta sharciga iyo kuwa gaarka, fatashka ama teknoloojiyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Waddada Dimuquraaddiyadda. waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda...

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS,...