Wasiirka ganacsiga XFS iyo wasiirka ganacsiga Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga labada dal

Date:

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha XFS Mudane Maxamuud Axmed Aadan iyo Wasiirka Ganacsiga ee Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsi iyo suuq u helidda badeecadaha labada dal.

Intii uu socday Shirweynaha Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Turkiga iyo Afrika ee lagu qabtay magaalada Istanbul, ayaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Turkiga, Prof. Ömer Bolat.

Kulanka laba geesoodka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidii loo ballaarin lahaa fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee labada dal.

Labada Wasiir ayaa si gaar ah uga wada hadlay sida badeecadaha Soomaaliyeed gaar ahaan kalluunka, macdanta iyo wax-soosaarka dabiiciga ah suuqyo loogu heli karo gudaha Turkiga, taas oo gacan ka geysan doonta kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhiirrigelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudiga

Maareeyaha Dekedda Weyn ee Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur...

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed,...

Sh/Hoose: Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad Guutada...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...