Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka 26-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, xilli uu magaalada Washington DC ka socdo shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka is-dhexgalka adeegyada muhiimka ah, gaar ahaan kuwa saameeya bulshada ku nool xuduudaha iyo xeebaha dalalka Geeska Afrika, iyadoo la dardargelinayo mashaariicda maalgelinta mudnaanta leh.

Wasiir Biixi oo furitaanka kulanka khudbad ka jeediyay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalalka Geeska Afrika si gaar ah iskaga kaashadaan horumarinta dhaqaalaha, isaga oo sidoo kale u mahadceliyay xubnaha madasha iyo ka qeybgalayaasha caalamiga ah ee korjoogtada ka ah shirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaanshigga XFS oo tegay Awdheegle

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo...

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo tababar Muhiim ah soo xiray

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo magacaabay masuuliyiin cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka ganacsiga XFS iyo wasiirka ganacsiga Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga labada dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha XFS Mudane Maxamuud Axmed Aadan...