Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw Xasan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari u leeyahay midnimada, wadajirka, iyo dardargelinta dowlad-dhiska dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in maamulkaasi uu yahay mid salka ku haya rabitaanka shacabka deegaanka, islamarkaana ka tarjumaya geeddi-socodka federaaleynta Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale xusay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay in ay garab istaagto dadaallada maamulka cusub ee xagga amniga, horumarka iyo adeegyada bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...