Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw Xasan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari u leeyahay midnimada, wadajirka, iyo dardargelinta dowlad-dhiska dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in maamulkaasi uu yahay mid salka ku haya rabitaanka shacabka deegaanka, islamarkaana ka tarjumaya geeddi-socodka federaaleynta Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale xusay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay in ay garab istaagto dadaallada maamulka cusub ee xagga amniga, horumarka iyo adeegyada bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga

Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane, Ilyaas Cali Xasan,...

Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay u adkaysiga cimillada

Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir muhiim ah oo...